Qaar kamid ah Isgoosyada Muqdisho oo dhagxaantii laga qaaday iyo kuwa cusub oo lagu xiray

Qaar kamid ah Isgoosyada magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa saaran laamiga Wadnaha ayaa xalay waabarigii laga qaaday dhagxaantii ay horey laamaha amaanka dowlada ugu xireen.

Isgoysyada dhagxaanta xalay laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah isgoysyada Sanca, Jardiinka, Folorenza, Bakaaraha iyo kuwo kale, oo horey dhagxaan loogu xiray loona diiday in ay maraan gaadiidka iyo sidoo kale mootooyinka.

Sida aan wararka ku helnay dhagxaantan xalay laga qaaday Isgoosyada kuyaala laamiga Wadnaha ayaa saakay lagu xiray wadooyin kale oo horey u furnaa oo kuyaala laamiga Warshadaha.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan sidoo kale dhagxaantii ka qaaday qaar kamid ah wadooyinka degmada Wadajir inkastoo la sheegay in dhagxaantaasi hadana lagu xiray meelo aan ka fogeyn halkii laga qaaday.

Inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa lagu xiray dhagxaan waa weyn halka wadooyinka qaar ee furnaa aan loo ogoleyn inta badan in ay maraan gaadiidka ay wataan dadweynaha .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -