Villa Somalia oo lacag badan ku bixineysa Sumcad dilka siyaasiyiinta Mucaaradka (Warbixin)

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xoojisay dhaqaalaha ay ku bixineyso dacaayadaha ka dhanka ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee mucaaradsan dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo .

Qaar kamid ah warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa lagu baahiyaa dacaayado iyo sumcad dil lagu sameenayo Xildhibaano katirsan dowlada Federaalka Soomaaliya oo mucaarad ku ah dowlada iyo Siyaasiin kale oon la dhacsaneyn hab maamulka Madaxweyne Farmaamjo.

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ku dhaxyaala xafiis gaar ah oo qaabilsan faafinta dacaayadaha ka dhan ah Siyaasiyiinta Mucaaradka, waxa uu sidoo kale xafiiskan buun buunin badan u sameeyaa maamulka Farmaajo.

Qaar kamid ah Warbaahinta iyo dad taageerayaal badan ku leh baraha bulshada ayaa lacag badan lagu siiyaa in dacaayado sharaf dil ah ka faafiyaan Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ku ah dowlada si bulshada looga dhaa dhiciyo waxyaabo aan jirin.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lacago badan siisa dad aan xishoon oo caan ka ah baraha bulshada, waxaana dadkaasi Madaxtooyada looga yeetriyaa hadba dacaayada la doonayo in la faafiyo si bulsho badan loo gaarsiiyo.

Dowlada Madaxweyne Farmaajo ayaa aaminsan in ay wax ku noqotay baraha shulshada iyo warbaahinta, waxa ayna wadaa Madaxtooyada in ay dhaqaale u adeegsato faafinta dacaayado been ah iyo iidhehyo loo sameenayo Madaxda dowlada,.

Mid kamid ah siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa noo sheegay in aad ula yaabeen sida dhaqaalihii qaranka ee loogu tala galay in dalka iyo dadka wax loogu qabto loogu bixinayo in Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Mucaaradka lagu caayo .

”Madaxtooyada ayaa laga soo abaabulaa dacaayadaha laga fidinayo siyaasiyiinta mucaaradka, waxaa jira websetyo iyo qolooyin calooshood u shaqeestayaal ah oo lacag lagu siiyo in dadka usii gudbiyaan dacaayadaha laga soo abaabulo Madaxtooyadii Qaranka ” Ayuu yiri Siyaasigan oo magaciisa qariyay.

Sida aan Wararka ku heleyno qolooyin ku xeel dheer abuuritaanka fadeexadaha ayaa inta qoraalo iyo muuqaalo soo diyaariyaan waxa ay usii diraan dadka lacagta lagu siiyo in dacaayadahaasi sii faafiyaan.

Waxa asidoo kale jira dda badan oo iyana dhaqaale ku qaata in ay ii faafiyaan dacaayadaha laga soo diro Madaxtooyada halka kuwa kalana lagu amro in fikrado qaldan ka bixiyaan qoraalada iyo muuqaalada aan laga jecleysan Madaxtooyada.

Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa waxqabadkeeda mudadii ay jirtay kusoo koobtay in xayeesiimo looga sameeyo baraha bulshada iyo Warbaahinta, waxaana inta badan la qaldaa shacabka Soomaaliyeed ee u hamuun qaba dowladnimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -