Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo qoraal xasaasi ah u gudbisay dowlada Kenya

Madaxweynaha Somaliland Muddane  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo weli ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku joogo Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, ayaa waxa uu maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee uu yeelan doono xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa horey u diiday in Somaliland ay xafiis diblolaasiyadeed ka furato Nairobi maadaama aysan heysan aqoonsi caalami ah, waxayna Kenya sheegtay in xafiiskan uu yahay mid la xiriira arrimaha ganacsiga iyo iskaashiga.

Ciro ayaa sheegay iney tahay farxad iyo sharaf weyn inuu si rasmi ah xarigga uga jaro Xafiiska cusub ee Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya.

“Xafiiskani waxa uu astaan u yahay horumarka diblomaasiyadeed ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsanayso iyo sii xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Kenya” ayuu yiri Ciro.

Waxaa uu intaas ku daray inuu la kulmay Madaxweynaha Kenya William Ruto ayna isla soo qaadeen xoojinta xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Kenya.

Somaliland ayey wararka qaarkood sheegayaan iney Kenya u gudbisay qoraal rasmi ah oo ay kaga codsatay iney aqoonsato hase ahaatee Kenya ayaa horey u sheegtay iney ilaalineyso madax banaanida iyo midnimada Soomaliya ayna Somaliland u aqoonsatay maamul ka mid ah maamulada ka jira Somalia.

Related posts

Joe Biden oo xil sare u Magacaabay nin loolan adag la galay (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Dhulgariir cabirkiisu yahay 6.4 oo ku dhuftay Magaalada..

Caydiid Ali

In ka badan Boqol qof oo Imtixaan ugu galay Muqdisho hal boos shaqo banaan !! (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---