Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Joe Biden oo xil sare u Magacaabay nin loolan adag la galay (Sawirro)

Madaxweynaha dooran ee Mareykanka Joe Biden ayaa u xushey Pete Buttigieg, inuu hoggaamiyo Waaxda Gaadiidka ee maamulkiisa cusub.

Buttigieg ayaa mar ahaa qof ay aad u xifaaltameen Biden intii uu jirey ololihii is-reeb reebka xisbiga Dimuqraaddiga ee qofka u matali lahaa tartanka doorashada, kaasoo Biden uu ku guuleystay.

Buttigieg, oo horey u soo noqday duqii magaalada South Bend, ee Indiana, ayaa ololihiisa oo dar-dar ku billowdey kadib hoos u dhacay, taas oo sababtay inuu tartanka ka haro isla markaasina uu taageero u muujiyo Biden.

Biden ayaa 38 jirkan Buttigieg la meel dhigay sida wiilkiisa Beau oo u dhintay cudurka cancer-ka, wuxuuna xusay inuu u qalmo xilka sare ee uu u magacaabay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka K/Galbeed oo joojiyay wadashaqeynta RW Rooble ee Arimaha Doorashada

admin

Nin Oday ah oo ku eedeysan Dilka Fanaankii Tupac Shakur oo maxkamad kasoo muuqday

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo War kasoo saaray Nin hubeesan oo xalay Muqdisho lagu qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---