In ka badan Boqol qof oo Imtixaan ugu galay Muqdisho hal boos shaqo banaan !! (Sawirro)

Heerka shaqo la’aanta ee ka jirta Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa meel sare gaartay, waxaana guryahooda shaqo la’aan isaga jiifa kumanaan dhallinyaro ah oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa wax kusoo bartay.

Dhallinyaro badan oo wax baratay rajana ka lahaa in ay shaqo helaan marka ee Jaamacad ka baxaan ayaa hamigooda dhintay, waxaana qaarkood shaqo la’aan muddo ku jireen darteed ku kaliftay in ay xoogsato noqdaan qaarkoodna mootooyin wataan.

Hal boos shaqo kalkaaliye uu dhawwaan xayeesiiyay isbitaalka  Yardimeli ee kuyaalla Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa imtixaan u galay dad ka badan Boqol qof oo u badnaa dhallinyaro kasoo baxay jaamacado.

Dhallinyaradan xirfada caafimaadka bartay ee halkan boos shaqada kalkaaliye imtixaanka u galay ayaa mid kastaahi rajo ka qabaa in uu kusoo baxo, waxa ayna tani muujineysaa heerka shaqo la’aan ee dalka ka jirta.

Waxaana suurto gal ah in booska shaqo ee la xayeesiiyay ardayda tirada badana imtixaanka u gashay in mar horaba qof loo qoray oo xayeesiinta iyo imtixaankaba uu yahay mid madadaalis ah sida marar badanba horey u dhacday.

Kumanaanka dhallinyaro waxbaratay ee dalka kunool ayaa qaarkood danta ku kaliftay in ay isku mashquuliyaan shaqooyin hoose oon mushaar fiican laheyn, halka kuwa kalana dantu ku kaliftay in dalka isaga cararaan qaarkoodna dhintaan iyaga oo tahriib ku jira.

Dowladda Soomaaliya ayaana la imaanin barnaamij shaqooyin loogu abuurayo dhallinyarada wax baratay, waxaana shaqooyinka yar yar ee soo baxana lagu bixiyaa musuq maasuq iyo nin jecleysi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -