Soomaaliya waxay markale wajahaysaa marxalad hubanti la’aan siyaasadeed oo dhabarka u ridaysa mustaqbalka hannaanka dawlad-dhiska ee la filayay inuu xoog yeesho kadib tobannaan sanno oo dagaal sokeeye, burbur iyo isku dayo dib-u-habeyn. Magaalada Muqdisho waxaa ka socda shirar is-daba joog ah oo ay yeelanayaan siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaasoo si adag uga digaya waxa ay ku tilmaameen “iskuday muddo kororsi” oo laga dareemayo Villa Somalia — hab u muuqda in uu xambaarsan yahay halis la mid ah tii 2021 markaasoo madaxweyne Farmaajo uu isku dayay in uu xilka kororsado, taasoo dhalisay qalalaase siyaasadeed iyo iska hor imaad ciidan.
Hadda, mucaaradka waxay si cad u diidan yihiin wax ka beddelka dastuurka, waxayna dalbanayaan in doorashada lagu qabto waqtigeeda — in kasta oo ay jiraan olole Villa Somalia ka socda oo lagu muujinayo in doorasho qof iyo cod ah laga hirgelin karo Soomaaliya waqtigan, taa oo ay mucaaraadka ku sharraxeen tallaabo muddo kororsi ah.
Waqti-kororsiga Siyaasadeed: Cudurkii Dhaqanka Noqday
Soomaaliya waxay gashay siddeedii sanno oo xiriir ah oo aysan doorasho waqtigeeda ku dhicin. Doorasho kasta waxaa horteeda soo baxa khilaaf, is-marinwaa, iyo dadaallo siyaasadeed oo lagu dhaxlayo kursiga — iyadoo mar walba laga baaqsado jadwalka dastuuriga ah ee xil-wareejinta. Sababaha ugu waaweyn ee tan keena waxaa ka mid ah;
Dastuur aan dhameystirnayn: Dastuurka kumeel-gaarka ah ayaa noqday mid la fasirto si siyaasadeed, waxaana looga faa’iideystaa godadka sharci ee ka bannaan.
Nidaam Federaal oo aan degganeyn: Maamul gobolleedyada iyo dawladda federaalka ayaa mar walba ku kala aragti duwan hannaanka doorashooyinka, waxayna u arkaan midba kan kale inuu yahay caqabad.
Daciifnimada Hay’adaha looga baahna Isla-xisaabtanka: Baarlamaanka, maxkamadaha iyo guddiyada madaxa bannaan ,ma laha awood dhab ah oo ay ku hor istaagaan tallaabo sharci-darro ah.
Awoodda Siyaasadeed ee Madaxtooyadda: Madaxweynaha xilka haya mar walba wuxuu u adeegsadaa awoodda hay’adaha amniga, dhaqaalaha iyo xiriirka dibedda sidii uu u ilaashan lahaa kursiga,sidaas darteed, mar walba marka ay soo dhawaato doorashada, waxaa bilowda olole lagu adkeynayo awoodda madaxweynaha, iyadoo loo marayo wax ka beddel sharci, su’aal gelin hannaanka doorashada, ama in la abuuro sawir muujinaya in dalka uusan diyaar u ahayn doorasho waqtigeeda lagu qabto.
Soomaaliya muddo ka dhow 40 sanno waxay ku jirtay wareeg siyaasadeed oo xiran, iyadoo mar walba la sugayo isbeddel, balse isbeddelkaas wuxuu noqday mid laga niyad-jabo ama la wiiqo ka hor inta uusan soo muuqan. Khilaafka siyaasadeed ee joogtada ah, is-aaminaad la’aanta u dhaxeysa dawladda federaalka iyo dawlad-gobolleedyada, iyo firaaqda dastuuri ee jirta ayaa ka dhigtay dawlad-dhiska Soomaaliya mid qalloocan oo aan bislaan.
Si looga gudbo is-marinwaagaas, waxaa muhiim ah dhowr tiir oo saldhig u noqon kara soo kabashada qarannimada iyo isbeddel dhab ah;
1.Dhammeystirka Dastuurka
Dastuurka kumeel-gaarka ah ee hadda jira wuxuu noqday hub siyaasadeed oo dhinac walba si u fasirto. Dhammeystirkiisa wuxuu keenayaa kala xadidnaan awoodaha hay’adaha dawladda iyo nidaam xukun oo lagu xisaabtami karo. Waxaa loo baahan yahay xeerar doorasho, xeer xisbiyo, iyo xeer dawlad-gobolleed si loo yareeyo khilaafka joogtada ah.
2.Hoggaan mas’uul ah oo kasbada kalsoonida Dadweynaha
Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaan leh aragti qaran, kana sarreeya qabyaalad iyo dan gaar ah. Hoggaan noocaas ah wuxuu mideeyaa shacabka, dhiirrigeliyaa dib u heshiisiin dhab ah, isla markaana abuuraa kalsooni lagaga gudbi karo khilaafaadka siyaasadeed. Tan waxaa lafdhabar u ah isla-xisaabtan, daah-furnaan, iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.
3.Dib-u-heshiisiin dhab ah, aan Siyaasad kaliya ku ekeen
Khilaafka siyaasadeed waa culeys, balse waxaa ka sii daran waa khilaafka bulsho ee salka ku haya dagaalladii sokeeye, qabiil, iyo colaad aan la xallin. Haddii aan la wajahayn xal waara oo ku saleysan caddaalad, cafis, iyo runta la isku waafaqsanyahay, taasi waa inan la gaareyn isbeddel , beddela wajiga Soomaaliya.
4.Xoojinta hay’adaha dawliga ah
Hay’adaha dawladda waa inay noqdaan kuwa madax-bannaan, sharci-ku-dhisan oo awood u leh inay fuliyaan howlaha dalka si hufan — sida guddiyada doorashada, garsoorka, iyo baarlamaanka. Waxaa lagama maarmaan ah in laga takhaluso shakhsiyeyn xad-dhaaf ah oo lagu beddelo nidaamyo sharci oo hay’adaha xoojiya.
5.Xoojinta doorka bulshada
Isbeddel kasta wuxuu hirgeli karaa marka bulshada inteeda badan — gaar ahaan dhallinyarada— ay helaan fursad ay ku matalaan rabitaankooda. Tani waxay yareyn kartaa niyad-jabka dadweynaha iyo wareerka siyaasadeed.
Intii lagu jiray kulan ay Muqdisho kula qaateen xubnaha mucaaradka dhallinyaro tagtay goobta ay shirarka ku leeyihiin, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ee shirarku u socdo, ayaa dhallinyarada u sheegay; “ Annaga waxbaan ka dhacsanayna Xasan Sheekh.. dalkana waan ka dhicinayna, annagana waxbaan ka dhacsanayna.”
Hadalka Cabdiraxmaan waxa uu caddeynayaa laba arrimood;
•Ka go’naanta mucaaradka inay doonayaan in ay cadaadis saaraan Villa Somalia, kana hortagaan muddo kororsi kasta. Tani waxay la micno tahay in mucaaradku aysan ku ekaan doonin qoraallo ama shirar, balse ay diyaar u yihiin ficil muuqda.
•Dardaaran ku socda dhalinyarada: Waxa uu dhallinyarada u diray farriin cad, oo ah in la joogo waqtigii la joojin lahaa cabashada iyo eedeynta fadhiga lagu sameeyo, laguna beddeli lahaa ficil saameyn leh. Kani waa dardaaran kacdoon ah, wuxuuna xasuusinayaa in isbedel aan la sugin ee la sameeyo.
Hadalka Cabdiraxmaan wuxuu taabanayaa dulucda xikmaddii caanka ahayd ee uu lahaa Malcolm X:
“Power never takes a back step—only in the face of more power.”
Tani waxay ka dhigan tahay in awood marna si fudud loogama adkaado, balse waxaa loo baahan yahay xoog kale oo si cad uga hor yimaada!
Soomaaliya waxay maraysaa meel ay tahay in la doorto waddada saxda ah. Wax ka beddel kasta oo dastuur ah ama dib u dhig doorasho waa in lagu saleeyaa wadatashi dhab ah, u furan dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed, ma aha mid si gaar ah uga imaanaya Villa Somalia.
Sida taariikhdu markasta ina bartay, muddo kororsi waxa uu sababay burbur, kala shaki, iyo marar badan dhiig. Dalka maanta uma baahna in dib loogu celiyo xilligii la isku hubka qaadanayay kursi dartii.
“Qaran ma dhismo ilaa dadkiisu fahmaan qiimaha codkooda.”
Soomaaliya waxay la mid tahay dooni dheer oo kusoo wareegtay badda siyaasadda ee adduunka, balse aan weli haysan jiheeye qumman iyo hoggaan midaysan. Xalka kama imaanayo dibadda, mana suurtagalayso haddii aysan shacabka Soomaaliyeed samaynin iskaashi bulsho iyo kacdoon wacyiyeed oo ay ku diidaan laaluushka, qabyaaladda iyo musuqmaasuqa.
Wixii isbeddel ah ee dalka laga rabo, waa inuu ka bilowdaa maskaxda iyo niyadda dadka Soomaaliyeed.
Soomaaliya uma baahna jawaabta Villa Somalia ama mid mucaarad; waxay u baahan tahay jawaabta saxda ah, taasoo ah: Qaran mideysan, sharci adag, dad leh damiir iyo mas’uuliyad.
W/Q Iman Jamac
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com