Lacag aan caadi aheyn oo laga yaabo in ay kasoo xarooto Doorashada Puntland

Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka uu yeelanayo maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in doorashadiisa maalinta talaadada ee ku beegan 8-da bishan  ay ka dhacdo magaalada Garawe.

Doorashada ayaa sanadkan ah mid xamaasad gaar ah leh, waxaana ku tartamaya Madaxweynaha Puntland in ka badan 20-Musharax oo isugu jira kuwa saameyn badan ku leh siyaasada iyo kuwa soo caan baxaya.

Musharaxiinta ayaa hada wada ololihii ugu dambeeyay ee ku kasbanayaan codka Xildhibaanada wax dooranaya, waxaana Musharax walbo balan qaad u sameenayaa Xildhibaanada uu codka ka rabo.

Sharuudo ay soo saareen Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland ayaa lagu shaaciyay tirada lacagta isdiiwaan galinta ah ee laga rabo musharaxiinta tartameysa.

Musharax walbo oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland ayaa laga rabaa in uu bixiyo lacag dhan 20-kun oo Dollar oo is diiwaan galin ah, halka Musharaxiinta Madaxweyne kuxigeenka iyana laga rabo in ay bixiyaan lacag dhan 10-kun oo dollar.

Lacagaha Diiwaan galinta ee laga rabo Musharaxiinta u tartamaya Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland ayaa la filayaa in ay gaarto ama dhaafto 500-kun Dollar ama nus Malyuun dollar.

Musharaxiinta u tartameysa Madaxtinimada Puntland ayaa laga yaabaa in qaarkood ay tanaasulaan halka kuwa kalana ay tijaabin doonaan nasiibkooda , waxaana wali la saadaalin karin musharaxa doorashada ku guuleesan kara.

Waxaa suurto gal in qaar badan oo kamid ah Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Puntland ay sameestaan isbaheysi iskuna tanaasulaan si meesha looga saaro Madaxweynaha Pntland Cabdiweli Gaas oo mar kale tartamaya.

Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa ah mid si weyn loo wada sugayo natiijada kasoo bixi doonta , waxaana dowlada federaalka Soomaaliya laga yaabaa in ay taageero u fidiso qaar kamid ah Musharaxiinta si meesha looga saaro Cabdiweli Gaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -