Daawo Sawirada: Sida Quruxda badan ee magaalada Dhahar loogu soo dhaweeyay Saciid Deni

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka kooban labada gole ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay degmada Dhahar oo ah xarunta Gobolka Sanaag

Soo dhoweynta Madaxweynaha waxaa ka qeybgalay Maamulka Gobolka Sanaag, Kan degmada Dhahar, Hogaanka Dhaqanka, Culimada, Aqoonyahanada, Haweenka iyo ardeyda.

Madaxweynaha iyo Wefdigiisa ayaa markii uu soo gaaray degmada Dhahar waxaa uu dhex lugeeyay Boqolaal dadweyne ah oo isugu soo baxay soodhoweyntiisa.

Hogaanka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ka hadlay xafladda soo dhoweynta , ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, Imaanshihiisa Degmada Dhahar iyo adeegyada dowliga ah ee la hirgeliyey intuu xilka hayey.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey Dhahar, wuxuu ka hadlay horumarka Puntland si gaar ah mashaariicda xarumaha waxbarasho Dowladdu ka hirgelinayso degmada Dhahar.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in la dhisayo Wada Laami ah oo isku xirta ( Magaalooyinka Sheerbi –Dhahar illaa Xingalool), Sidoo kale wuxu Madaxweynuhu ku dhawaaqay hirgelinta xarumaha dowliga ah ee degmada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -