Dagaalka ka dhan ah Al Shabaab ee dalka ka bilowday oo Waxyaabo badan iftiimiyay

Waxaa sii kordhaya guulaha ay ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ka gaarayan dagaalada ka curtay gobolada dalka, kadib go’aankii uu Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ku iclaamiyay dagaalka Al-Shabaab looga sifeynaayo gabi ahaan dalka.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka socda deegaanada hoostaga Dowlad Goboleedyada Hir-Shabelle iyo Galmudug, kaasoo hurda seejiyay Al-Shabaab oo qeybo badan ka ariminayay Gobolo dhowr ah oo hoostaga maamulada aan kor kusoo xusay.

Dagaalka u dhexeeya halyeeyada Qaranka, kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab ayaa ka duwan dagaaladii horay uga dhacay dalka, iyadoo dagaaladaani socda ay yihiin kuwo ku suntan baadi-goobka “Soomaaliya oo ka caagan kooxo xagjir ah oo kasoo horjeeda dhismaha dowlad awood leh”.

Dowlada Soomaaliya, ayaa Dagaalka socda ku diiwaangalineysa taariikhyo dhaxal-gal u ah Qaranimada Soomaaliya, waxaana xusid mudan in dagaalada socda ay muujinayaan sida Ummadda Soomaaliyeed ay u diidan tahay in dalka ay kasii howlgalaan “Dhinacyo hubeysan oo diidan isku filnaanshaha Soomaaliya, islamarkaana ka caagan ugugyada ku abtirsada Al-Qacida”.

Al-Shabaab iyo dhinacyada taageera sida Al-Qacida, ayaa dhankooda ka diiwaangalin doona dhacdooyin aysan horay u arag taasoo daaha ka rogeysa inay soo ifbaxeen “Dhalinyaro iyo Bulsho mideysan oo Hubka u qaatay helista xorriyad aasaaskeeda uu yahay ku noolaanshaha “Nabad, Xasilooni, Midnimo iyo isku-tiirsanaan dhanwaliba leh”, wallow ujeedka ugu weyn ee Al-Shabaab uu yahay curashada Bulsho Soomaaliyeed oo kala ququban, si loogu sii hayo gumeysiga lagu dhalanrogaayo Maskaxdooda.

Al-Shabaab waxa ay dagaalka ku weysay Horjoogayaal qeyb ka ahaa Aasaaska kooxda, Hanti kala duwan sida Gaadiid, Hub, Dhulal iyo in laga xiray dhammaan tubbooyinkii loo soo marin jiray dhaqaalaha, taasoo ka dhigan in Al-Shabaab ay wajaheyso culeysyo aysan horay u arag.

Mugdi kuma jiro in Dagaalada socda ay Soomaaliya u horseedeen guulo dhanwaliba leh, waxaana soo ifbaxaaya in laga maarmikaro ciidamada Shisheeye ee howlaha shaqo u jooga Soomaaliya sida ATMIS, maadaama adduunka uu isweydiinayo awoodaha ay lasoo baxeen ciidamada Qaranka oo mugdi lixaad leh galiyay kuwa shisheeye ee ATMIS oo la rumeysan yahay inaysan u babac-dhigi karin ciidamada difaaca Qaranka.

Isku-tashiga Dowlada Federaalka iyo Ciidamada Qaranka ayaa sidoo kale cashar lama ilaawaan ah u dhigaaya dowladaha uu hal-ku-dhigoodu yahay “Soomaaliya kuma filna amnigeeda”.

FAA’IIDOOYINKA KA DHASHAY DAGAALADA SOCDA:

1-Dib ula soo laabashada Degmooyin iyo deegaano kabadan 45 oo ku dhawaad 10-Sanno ku jiray gacanta Al-Shabaab.

2-Soo bandhigista awooda ciidan ee DFS iyo isku filnaanta shacabka Soomaaliyeed.

3-Soo af jarista nolosha Horjoogayaal miisaan u lahaa Al-Shabaab, kuwaasoo qeyb ka ahaa aasaasayaasha Al-Shabaab.

4-Gacan ku dhigista Gaadiid iyo Hub aan la qiyaasi Karin xadigooda.

5-Tijaabinta awooda ciidamada deegaanka iyo ku dhiiranaanshaha la-dagaalanka Al-Shabaab.

MAXAA LAGA DOONAYAA DOWLADA FEDERAALKA AH EE SOOMAALIYA:

1-Sameynta maamulo cusub oo ka arimiya Degmooyinka iyo deegaanada laga saaray Al-Shabaab.

2-Sameynta ururo dhalinyaro oo ka shaqeeya gurmad u fidinta Bulshada kunool goobaha laga saaray Al-Shabaab.

3-In Dowlada Federaalka ay waqti hore sii diyaariso ciidamo isugu jira Militery iyo Boolis oo si rasmi ah ula wareega dhammaan dhulalka laga qabsado Al-Shabaab.

4-Dajinta qorsho lagu maareynayo ciidamada xaq u dirirka sida in lagu biiriyo “Militeriga ama Booliska”, iyadoo laga feejignaanayo inay noqdan awood labaad oo ka curata Soomaaliya.

5-Ka shaqeynta xiriiro toos ah oo dhexmara dhinacyada “Dowlada, Ciidamada, kuwa xaq u dirirka iyo Bulshada” si looga baaqsado firaaq amni oo ka dhaca goobaha laga saaro Al-Shabaab.

MAXAA LA FILANKARAA DAGAALKA SOCDA KADIB:

1-Soomaaliya oo ka caagan kooxo hubeysan oo xiriir la leh Al-Qacida.

2-Soomaaliya oo barwaaqo sooran ah iyo in 30-sanno kadib la helo in safaro dhulka ah leysaga kala goosho “Min caasimad ilaa Gobol”.

3-Soomaaliya oo ka caagan dagaalo ku saleysan “mid qabiil iyo mid diimeed”.

4-Isku filnaan Qaran oo ku dhisan wada shaqeyn iyo wadatashi.

5-Dib u tacbashada Beeraha, ka faa’iideysiga wabiyada iyo dhismaha maamul Goboleedyo ku imaada rabitaanka dowlada.

GUNAANAD

Jiritaan Al-Shabaab ayaa sabab u ah kala ququbanaanta dowlada, maamul Goboleedyada, Bulshada, taasoo cuuryaamisay dhismaha maamul mideysan oo ka curta dalka iyo in Bulshada Soomaaliyeed ay u jiheystaan dhinaca wax-soo-saarka beeraha iyo wabiyada uu alle ku galaday Ummadda Soomaaliyeed.

W/Q. Ustaad Anwar Bakhiit

Fallanqeeye Arrimaha A.B.S

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -