Koox sheegatay Masuuliyada Qaraxyadii lagu dhamaaday ee ka dhacay Sri Lanka (Sawirro)

Kooxda Islaamiga ee Daacish ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyo badan oo Axadii ruxay magaalooyin kuyaala dalka Sri Lanka, waxaana qaraxyadaasi ku dhintay kuna dhaawacmay boqolaal qof.

Wakaalada Wararka u faafisa kooxda Daacish ee Amaq ayaa baahisay in weerarkaasi ka dambeeyeen kooxda Daacish, mana jiro faah faahino badan ee kooxdan ka bixisay weerarka dadka badan lagu laayay.

Muuqaalo lasoo bandhigay ayaa muunjinaya rag waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo gudaha u galaya Kaniisadaha la weeraray iyo Hoteelada , waxaana qaraxyada la sheegay in ay ahaayeen kuwa ismiidaamin u badan.

Wasiirka difaaca dalka Sri Lanka Ruwan Wijewardene ayaa baarlamaanka dalkaasi u sheegay in baaritaano ay sameeyeen ku ogaadeen in weerarka ka dhacay Sri Lanka u muuqdo mid loogu aarayay muslimiintii lagu laayay dalka New Zealand.

Waxa uu sheegay Wasiirka Difaaca dalka Sri Lanka in weerarka qaraxyada loo adeegsaday ay tuhmayaan in ay ka dambeeyeen labo koox oo Islaamiyiin ah uu sheegay in gudaha dalka ku sugan yihiin .

Weerarkii qaraxada ahaa ee ka dhacay dalka Sri Lanka axadii waxaa ku dhintay dad gaaraya 320-qof halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 500 oo qof kale , waxaana dadka ku dhintay weerarka ku jiray dad ajaaniib ah oo dalkaasi dalxiis u joogay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -