Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Yurub oo ka jawaabay hanjabaad kaga timid Trump

Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in la ixtiraamo xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya labada dhinac

Hadalkan ayaa yimid kadib markii Trump uu ku hanjabay inuu 50% canshuur ah ku soo rogi doono dhammaan badeecadaha laga keeno dalalka Yurub, haddii heshiis ganacsi laga gaari waayo wadaxaajoodka socda.

Xoghayaha Ganacsiga Midowga Yurub, Maros Sefcovic, ayaa sheegay in Midowga Yurub uu weli u taagan yahay sidii loo heli lahaa heshiis ganacsi oo caddaalad ku dhisan, balse uu diidan yahay in cadaadis iyo hanjabaad lagu xalliyo khilaafaadka ganacsi.

Madaxweyne Trump ayaa Jimcihii sheegay in haddii horumar laga gaari waayo wadaxaajoodka, uu 1-da Juun bilaabi doono canshuuraha cusub, wuxuuna carabka ku adkeeyay in badeecadaha Mareykanka lagu sameeyo aysan la kulmi doonin wax canshuur ah oo cusub.

Related posts

Gantaalo lagu weeraray Magaalada Riyadh & khasaare nafeed oo ka dhashay

Caydiid Ali

(Akhriso) Madaxweyne Deni oo Magacaabay taliyaha cusub ee Booliska Puntland

Caydiid Ali

RW Khayre oo Washington kula kulmay Ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---