Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Madaxweyne Deni oo Magacaabay taliyaha cusub ee Booliska Puntland

WAREEGTO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 32 ee 1-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.

Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa S/Guuto Maxamed Cali Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay

DHAMMAAD

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Wiilkii ukunta ku weeraray Xildhibaankii cunsuriga ahaa oo dunida caan ka noqday (Sawirro)

Caydiid Ali

Meydka Marxuum Maxamed Qanyare oo saakay lagu aasayo Dayniile iyo Masuuliyiin..

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo Shaaca ka qaaday in uu ka shaqeyn waayay Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Danley ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---