Gole siyaasadeed oo dhaliilay Xasan Shiikh Maxamuud iyo Mucaaradka ku kacsan Dowladda Soomaaliya!!

Golaha Badbaadada Hirshabeelle oo ah gole siyaasadeed ayaa shir ay yeesheen ku dhaliilay hogaamiyaasha mucaaradka, iyo madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku eedayay in ay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare difaacayaan.Goluhu wuxuu ku baaqay in la Barlamaanka Hirshabelle xil ka qaadis ku sameeyo Madaxweynaha Hirshabelle,

Warar hoose oo aynu helayno ayaa sheegaya in Xasan Sheekh Maxamuud xildhibaano hirshabeelle iyo kuwo fadaraal  uu ka codsaday in Madaxweyne Waare difaacaan, halka c/Raxmaan c/Shakuur iyo Xildhibaan Axmed Fiqi,  ay  barahooda facebook ku difaacaan Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Galmudug

Dhanka kale madaxweyne waare ayaa waxaa si weyn uga soo horjeeda xildhibaanada hirshabeelle, inta badan xildhibaanada federaalka ee ka soo jeeda hirshabeelle iyo  wasiirda federaalka ee hirshabeelle.

Warsaxaafadeedka Golaha Badbaada Hirshabeelle ayaa sidaan u qornaa:-

Golaha Badbaadada Hirshabeelle shir ay isugu yimaadeen waxay diirada ku saareen Mucaaradka oo khilaafka ay kula jiraan xukuumada dhexe kula galgalanaya Maamul Goboleedka Hirsahabeelle, wadatshi ka tib  Golaha ayaa qodobadaan soo saaray :

  • Goluhu wuxuu la socodsiinayaa Hogaamiyaasha Mucaaradka iyo Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya in  fikradahooda ay marinayaan warfaafinta ama  aragtiyada ay ku sheegayaan kulanadooda gaarka ah ee lagu difaacayo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare aysan ku saleysneyn xaqiiqda murugada leh ee ka jirta deegaanada Hirshabeelle ee ka dhalatay hogaan xumida haysta Hirshabeelle, Goluhu wuxuu ka codsanayaa in aysan xaalada Hirshabeelle uga sii darin oo ay u turaan Shacabka iyo horumarka Hirshabeelle oo aysan sumcadooda ku lumin Madaxweynaha Hirshabeelle ee lagu hungoobay kuna fashilmay xilkii loo dhiibay .
  • Hirshabeelle waxaa ka jirta; hogaan xumo, Amni daro, musuq maasuq, Cadaalad daro, dhalisay in shacab, xildhibaano, askar iyo saraakiil ku wayno wadada u dhaxeyso Jowhar iyo Xamar, Wasiiradii Hirshabeelle helin wax guno ah 10 bilood, Xildhibaanada aysan helin Gunadii Miisaaniyada ugu qorneyd, Xildhibaanada wax wadatashi ah lagala sameyn deegaanadooda, Jagooyinka lagu qeybiyo si cadaalad daro ah, iyadoo Gobolka Hiiraan lagu hayo baad iyo hanjabaad joogto ah.
  • Goluhu wuxuu bogaadinayaa howl-karnimada iyo isla xisaabtanka ay sameeyeen kalfdhigooda socda, waxayna bogaadinayaan Shahaada sharafta la gudoonsiiyay Gudoomiyaha Barlamaaanka Hirshabeelle Mudane Sheekh Cusmaan Barre Maxamed.
  • Goluhu wuxuu ka codsanayaa Xildhibaanada in ay u istaagaan badbaadinta Hirshabeelle ka soo baxaaan waajibaadkii loo dhaariyay, una turaan shacabka oo ay si geesinimo leh u bilaabaan la xisaabtanka Madaxweyne Waare oo ay si dustuurka Hirshabeelle waafaqsan xilka ugu qaadaan.
  • Goluhu wuxuu Bogaadinayaa Gudoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle Mudane Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, mawqifkiisii geesinimada leh ee uu ka jeediyay xafladii furitaanka Kalfadhiga 4aad ee Barlamaanka Soomaaliya.
  • Goluhu wuxuu ka codsanayaa Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Mudane Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe) oo xushmad iyo qadarin ku leh Hirshabeelle in mawqif kan gudoomiyaha la mid ah qaato.
  • Golaha Badbaadada Hirshabelle waxaa uu ku baaqayaa Shirweyne wadatashi oo ay ka soo qeyb galaan Siyaasiyiinta & Aqoonyahanka Hirshabelle si loo badbaadiyo Dowlad Goboleedka Hirshabeelle loona helo hogaan samatabixiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -