Madaxweyne Qoor Qoor oo lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha  Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo Maalmahan Safar Shaqo Ugu Maqnaa Dalka Dibaddiisa ayaa Dib Ugu soo laabtay Caasimadda Soomaaliya Ee Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka Diyaaraha ee Aadan Cadde, ku soo dhaweeyay Xildhibaano katirsan labada Aqal,Wasiirro heer Fadaraal iyo Heer Dowlad Goboleed ah & qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la filayaa in maalmahan joogo magaalada Muqdisho kulamana la qaato Madaxda dowlada Soomaaliya iyo siyaasiyiin kala duwan.

Madaxweynaha Galmudug ayaa la sheegay in uu raali ka yahay guddiyada doorashada ee magacawday Xukuumada Soomaaliya iyo sida dowlada u wado hirgalinta doorashada.

- Advertisement -