Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka hadlay Saraakiil la dallacsiiyay

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, Cabdul qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in inta uu socday dagaalka Al Sahbaab dalka looga saarayo saraakiil badan la dallacsiiyay, kuwa kalena la abaalmarin doonaa dhowaan.

Wasiir Jaamac oo ka hadlayay munaasabad lagu dhiirri gelinayo Saraakiisha, Saraakiil xigeennada iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho, kuwaasn oo qaarkood lagu dallacsiiyay kartida iyo dhabar adayga ay ka muujiyeen dagaalka lagula jiro khawaarijta, iyagoo kuwa harayna lagu wado in la dallacsiiyo sida uu Wasiirku xusay.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa sheegay in dallacaaddu ay gaadhay dhammaan saraakiisha kale ee howlgallada ka wado  geyiga Soomaaliyeed, kuwaas oo ku sifoobay naf hurnimo iyo in ay godadka ugu daataan khawaarijta curyaamisay horumarka dalka iyo dadka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxuddiin ayaa sheegay in dallacsiintu ay muddo soo socotay ay sii wadi doonaan abaalmarinta Saraakiisha, isagoo xusay in lagu qiimeyn doono karti iyo waajib gudasho.

Taliyihii hore ee Ciidanka XDS S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in saraakiisha dallacday ay guteen waajibaadka Qaranka ee saaran,  wuxuuna tilmaamay in Qaranku uu ogyhay cid kasta oo gudata mas’uuliyaddii ay lahayd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Shaaciyay in dalal shisheeye faragalin ku hayaan Doorashada dalka

Cabdi Cade

Wakiilo katirsan Beesha Caalamka oo gaaray Garawe lana kulmay Siciid Deni (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo la la’yahy kadib markii ay la degtay Doon ay la socdeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---