(Sawirro) Shir jaraa’id oo lagu dhex qabtay fatahaada webiga ee degmada Afgooye

Gudoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa kormeeray xaafadaha  degmada Afgooye ee uu ku fatahay webiga Shabeelle.

Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa xusay dhul balaaran iyo xaafado ka tirsan Afgooye ay saameysay fatahaada, ayna guryahooda ka barakaceen boqolaal qoys.

“Saameyn weyn ayaa ka dhalatay fatahaada iyadoo xafaadaha degmada uu ku fatahay dadkii daganaana ay ka barakaceen, waxaan dadaalkeena iskugu geyn doonaa xakameynta fatahaada iyadoo aan kaashaneyno shacabkeena” ayuu yiri Gudoomiye Najax.

Waxaa uu sheegay in illaa hadda aysan jirin wax kaalmo ah oo la soo gaarsiiyey dadka ay saameysay fatahaada, isagoo xusay in  maamulkiisu ku dedaali doono wax u qabashada dadkaas dhibaateysan.

DF, maamulka Koonfur galbeed iyo qeybaha bulshada ayuu ugu baaqay iney gargaar la soo gaaraan dadka ku dhibaateysan Afgooye oo uu xusay iney ku nool yihiin xaalad aad u qalafsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -