(Daawo Sawirro) Ciidamada PSF oo howlgal ku dilay xubnihii ugu badnaa Daacish

Howgal  qaatay 48-saac oo ay ciidamada PSF ku qaadeen degaannada Baraagaha Madax Madow iyo Dhabancaddo Ee Buuraha Cal Miskaat oo  hoostaga degmada Balidhidin ee gobolka Bari ayaa lagu beegsaday goobo ay Daacish ku sugnaayeen .

Howlgalkan ayaa ciidamada PSF waxay sheegeen iney jab xoog leh ugu geysteen Daacish, ayna ka dileen in ka badan 24 xubnood ka dib iska horimaad culus oo dhexmaray.

“Waxaa kale oo gabi ahaanba ay ciidamada PSF burburiyeen  xaruntii ay Daacish halkaas ku lahaayeen oo ay ku kaydsanaayeen sahay iyo saanad badan oo ay Daacish lahayd; isla mar ahaantaana waxay ciidamadu gubeen  2 gaari  oo ay ku xireen  argagaxisada Daacish qaraxyo diyaarsan, oo ay doonayeen in ay soo geliyaan magaalada Bosaso si ay ugu waxyeelaan shacabka aan waxba galabsan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ciidamada PSF.

Filim laga qaaday qaabka uu howlgalkan u dhacay ayaa lagu baahiyey baraha bulshada, waxaana ka muuqda ciidamada PSF oo rasaas culus iyo gantaalo ku ridaya dhul buuraley ah iyo meydadka xubno ka tirsan Daacish oo dagaalkaas lagu dilay.

“Waa xudunta dagaalladii ugu dambeeyey ee lagu soo afjarayo kooxda argagixisada taagta darran ee Daacishta Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen ciidamada PSF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -