Waxaa tababar heerkiisu sareeyo loo soo xiray dufcaddii 3-aad ee Ciidanka Booliska Gaarka ah ee dowladda Jubaland, ciidankan oo tiradoodu markii hore ahayd 200 askari ayaa maanta waxaa si rasmi ah tababarka ugu soo gabagaboobay 100 askari oo si buuxda ugu biiraya Booliska Gaarka ah, iyagoo noqon doona laf dhabarta amniga iyo ilaalinta sharciga ee Jubaland.
Tababarkani wuxuu socday muddo waxaana lagu dhisay xirfadaha, anshaxa iyo aqoonta askarta, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran ee ku aaddan ilaalinta nabadgelyada shacabka iyo difaaca dowladnimada.
Munaasabad shahadooyin lagu gudoonsiyey ciidanka ayaa lagu qabtay xerada ciidanka Kumaandooska Danab ee Magalada Kismaayo, waxaana ka qeyb galay wasiir ku xigeenka Wasaradda Aminga Gudaha Jubaland, Mudane Aadan Axmed Xaaji, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dawlada Jubaland, Jeneraal Ismaaciil Saxardiid, Ku-simaha Taliyaha ahna Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubada Hoose, Col. Sadik Mohamud Dhogor, Taliyaha Amniga Garoonka Kismaayo, Gaashaanle Dhexe Maxamed Xayi Axmed (Badar), Taliyaha Ururka 5-aad, Guutada 16-aad ee ciidamada Danab, L/X Caarif Hire Salaad iyo saraakiil ka socota Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM.
Ugu dambayn, dhamaan madaxdan ayaa askarta tababarka dhammeysatay u rajeeyeen guul, xilkasnimo iyo in ay noqdaan muwaadiniin daacad u ah dalkooda iyo dadkooda.