Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo ku wajahan magaalada Garawe iyo Xog ku aadan Ujeedka Socdaalkiisa

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu tago magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland.

Sida aan wararka ku heleyno Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magaalada Garawe u tagaya sidii ay wadatashiyo dheeraad ah u yeelan lahaayeen isaga iyo Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni.

Labada Madaxweyne oon ka qeyb galin shirkii magaalada Dhuusomareeb kusoo dhamaaday ayaa si weyn uga arinsan doona qodobadii shirkaasi kasoo baxay gaar ahaan Doorashada oo ay dhawaan si wadajir ah uga soo horjeesteen .

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo leh iskaashi dhinacyo badan leh ayaa doonaya in hal go’aan ka qaataan heshiiskii lagu gaaray shirka Dhuusomareeb iyo sidii ay ka yeeli lahaayeen cadaadiska beesha Caalamka uga imaanaya.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa sido kale la filayaa in kulamo wadatashi ah la qaataan siyaasiyiin hore, Senataro iyo xubno kale oo ku dhaw dhaw ay kala hadli doonaan doorashada lagu heshiiyay iyo go’aanka ugu haboon ay ka qaadan karaan.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa diiday ka qeyb galka shirkii kusoo dhamaaday magaalada Dhuusomareeb, waxa ay sidoo kale maamuladan kasoo horjeeday qodobadii ay ku heshiiyeen madaxdii kulankaasi ka  qeyb gashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydka Marxuumad Xildhibaan Aamino oo lagu aasay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey dagaal qaraar oo ka dhex socda Azerbaijan iyo Armenia (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowlada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---