Wasaarada Waxbarashada oo soo saartay Go’aano oo ka careesiinaya maamulka G/Banaadir

Wasaaradda Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee DFS ayaa go’aamo ka soo saartay Cabashooyin mudooyinkan uga imaanayay  hay’addaha iyo Daladdaha Waxbarashada ee Gobolka Banaadir.

Qoraalka kasoo baxay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa gabi ahaanba lagu joojiyay qarashaad maamulka Gobolka Banaadir iyo Agaasinka Waxbarashada gobolka kusoo rogeen goobaha waxbarasho ee Gobolkka Banaadir.

Go’aankan kasoo baxay Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili uu khilaaf xoogan mudooyinkan u dhaxeeyay Wasaarada iyo mamaulka Gobolkia Banaadir, khilaafkan ayaana sameeyn ku yeeshay waxbarashada Gobolka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaana go’aankan u muuqda mid ka careesiin doona, lamana oga sida ay maamulka Gobolka Banadair iyo Agaasinka Gobolka uga jawaabi doonaan go’aankan kasoo baxay Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaarada

- Advertisement -