Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo booqday ciidanka Badda DF ee lagu tababaray Eritreya (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliy dhigiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeeray xerada ay tababarka ku qaadanayaan Ciidanka Badda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay Taliyeyaasha  Ciidanka Badda ee tababarka u jooga Ereteriya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin difaaca iyo xoreynta dalka.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada ayaa  ku bogaadiyey ciidankan dadaalka, aqoonta iyo kartida ay muujiyeen, inta ay tababarka ku jireen, waxa uuna u sheegay in ay yahiin tilmaamihii lagu yaqaanno Ciidanka Badda Soomaaliyeed.

Madaxwayna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqashada kaddib waxaa uu dib ugu soo laabtay dalka, isagoo uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Ereteriy soo dhaweynta iyo qaabilaadda wanaagsan.

Related posts

Somalia & QM oo shir xasaasi ah ugu dhamaaday Muqdisho

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen RW Khayre & Sh. Abdullah bin Khalifa Al Thani? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xamaas soo bandhigtay Haweeney ka tirsan Maxaabiista Yuhuuda ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---