Somaliland oo ka hadashay muddo kororsiga DF, Baaqna u dirtay Shacabka Muqdisho

Somaliland ayaa qoraal rasmi ah oo ay kasoo saartay xiisadda siyaasaddeed ee Soomaaliya, waxay walaac kaga muujisay xaaladda hadda ka dhex taagan dawladda iyo mucaaridka.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu cambaareeyey hab dhaqanka Madaxweynaha xiligiisu dhmaaday ee DF Farmaajo

“Ismari-waagga siyaasaddeed ee maanta jira wuxuu caddeyn u yahay dulmiga, iyo hoggaaminta macangagga ah ee Taliska Farmaajo, oo khatar buuxda ku ah amniga iyo xasiloonida gobolka taasi oo soortogal ah in ay Soomaaliya geliso dagaal sokeeye oo hor leh oo laga yaabo in lagu qasbo kumannaan shacab ah in ay u barakacaan dalalka deriska ah oo ay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Somaliland.

Somaliland ayaa soo dhaweeyey go’aankii uu Golaha amaanka Qaramada Midoobey ka qaatay kordhinta cunaqabteynta hubka, waxayna ka codsatay beesha caalamka inay si dhow ula socoto cunaqabteynta hubka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland ayaa Waxaa shacabka magaalada Muqdisho loogu baaqay inay adkeeyaan amniga iyo xasilloonida caasimada.

“Waxaan ugu baaqeynaa shacabka adkeysiga badan ee Muqdisho ee dhexda u galay xabadda iyo argagaxa aan joogsiga laheyn ee Al-Shabaab iyo kali-talisnimada Farmaajo ee tix-gelin la’aantiisa xuquuqda aadanaha inay ilaashadaan nabddooda iyo xasilloonidooda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA SOMALILAND OO ENGLISH KU QORAN:

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

- Advertisement -