Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Daawo Sawirada: Ciidanka Nabad sugida oo qabtay nin Bambo ku weeraray xarun Ciidan

Ciidanka Nabad sugida maamulka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ku qabtay nin la sheegay in xalay bam gacmeed ku weeraray xarun ciidan oo magaaladaasi kutaala.

Ninkan Bambada ku tuuray xarun ciidan oo kutaala magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in la dhaawacay xili uu isku doonayay in uu baxsado, waxaana ninkan hada gacanta ku haya ciidamada Nabad sugida Jubbaland.

Nabad Sugida Jubbaland ayaa magaca ninkan ay hayaan ku sheegay Axmed Cabdi Cismaan, waxaana bambada uu ninkan ku tuuray xarunta ciidan lagu waramay in aysan geysan wax khasaaro ah.

Ciidanka maamulka Jubbaland ayaa marar badan soo bandhigay rag ay sheegeen in ay katirsan yihiin Ururka Al Shabaab, kuwaa oo qaarkood lasoo qabtay iyaga oo qaraxyo miino aasayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Yaa Ku Guulaysan Doono Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya 2022 ?

Cabdi Cade

Guri kuyaala Muqdisho oo mudo 30-sano xoog lagu heestay oo maanta la wareejiyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xukun Dil ah oo maanta lagu fuliyay nin Hooyadiis dil argagax lahaa u geestay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---