Masiibo dhowaan ku soo fool leh caalamka & Digniin adag oo laga bixiyey

Hay’adda Saadaasha hawada adduunka ee WMO yaa sheegtay in 70% ay u badantahay iney masiibada El Niño ku dhufato dunida, ka hor inta uusan dhamaanin sannadkan.

Masiibadii El Niño ee ugu dambeysay waxay dhacday sanadkii 2015-16 waxayna saameyn ballaaran ku yeelatay cimilada adduunka oo idil.

Hase ahaatee , khubarada cilmi baareyaasha ah ayaa sheegay ineysan rajeyneynin in nooca El Niño ee hadda la filayo ay u awood badnaan doonto sida tii dhacday 2015-16.

Saraakiisha hay’adda WMO ayaa laga soo xigtay in isbaddalka cimilda adduunka ay saameyn ku yeelaneyso dabeecadihii ay lahaan jireen musiibooyinka dabiiciga ah.

El Niño oo sidoo kale loo yaqaanno Southern Oscillation ayaa ah dhacdo dabiici ah oo sababta in heer kulka sagxadda hoose ee badweynta Pacific uuna si qeyrul caadi ah marna kor ugu kaco marna hoos ugu dhaco, taasoo saameyn ku yeelata hannaanka cimilada ee guud ahaan dunida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -