Taliye Saadaq Joon oo xilka laga qaadayo iyo Xil kale oo la qorsheeyay in loo magacaabo

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in la isku afgartay in isbadal lagu sameeyo taliska ciidanka booliiska gobolka Banaadir xilkana laga qaado taliyaha qeybta booliiska gobolka .

Madaxda sare ee dalka gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha iyo taliyaha booliiska ayaa la sheegay in ay isku afgarteen in isbadal lagu sameeyo taliska booliiska gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku helnay Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa lagu qanciyay in lagu dhigayo taliyaha ciidanka lugta ee Milatariga Soomaaliya uu horey u hayay taliyaha ciidanka Milatariga Jeneraal Odawaa.

Saadaq Joon ayaana la sheegay in uu aqbalay in uu baneeyo xilka uu hada hayo uuna qabtay taliyaha ciidanka lugta ee Milatariga Soomaaliya oo shaqo ahaan ka adag tii uu hayay mudada sanadka ka badan.

Isbadalkan cusub ee lagu sameenayo taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa la sheegay in looga gon leeyahay dar dargalinta howlaha sugida amaanka gobolka Banaadir , waxaana taliyaha cusub ee booliiska uu codsaday in uu helo dad uu la shaqeyn karo.

Saadaq Joon ayaa saameyn iyo awood badan ku dhax lahaa magaalada Muqdisho, waxaana mudadii uu ahaa taliyaha booliiska gobolka Banaadir lasoo baxay awoodo badan , waxa uuna ahaa sargaal ay si weyna uga cabsadaan ciidanka ka amar qaata.

Sida aan wararka ku helnay taliyaha booliiska gobolka Banaadir ayaa loo wadaa sargaal kale oo katirsan ciidanka booliiska kana mid ahaa saraakiishii laga soo badelay ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka.

Isbadalkan lagu sameenayo taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa imaanaya xili dhawaan xilka laga qaaday taliyihii hore ee ciidanka Booliiska Jeneraal Bashiir Ameeriko loona magacaabay booliiska taliye cusub .

 

- Advertisement -