Madaxweyne Trump oo ka laabanaya go’aan adag uu horey uga qaatay Hay’adda WHO

Dowlada Mareykanka ayaa dhawaan joojisay lacagihii taakuleynta ay siin jirtay hay’adda caafimaad Aduunka ee WHO, kadib markii Madaxweyne Trump hay’addaasi ku eedeeyay in Shiinaha gacan ku siisay marin-habaabinta Faafista COVID 19.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa eedeyn uu u jeediyay kadib Hay’adda WHO go,aamiyay in 14-kii biishii April dowladiisa joojiso lacagtii qaaraanka ama taakuleynta ay siin jireen WHO.

Telefishinka FOX News ayaa sheegay in maamulka Madaxweyne Trump uu go’aansaday in dib usoo celiyo lacagihii qaaraanka ay siin jireen WHO, waxaana qoraal qabyo ah uu helay Telefishinka maamulka Trump ku cadeeyeen in ay dib u bilaabayaan taageerida WHO.

Warkan uu baahiyay telefishinka FOX News ayuu ku sheegay in maamulka Trump ogolaatay in ay bixiso qaaraan lamid ah tan ay Dowlada Shiinaha siiso xiligan hay’adda caafimaadka Aduunka WHO.

Dowlada Mareykanka ayaa ah tan lacagta ugu badan ku taageerta hay’ada WHO, waxaana sanadkii hore siisay lacag gaareysa 400-milyan oo dollar halka  Shiinaha iyana sanadkii hore siisay WHO lacag gaareysa 86-milyan oo dollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -