Haween garsoore ka ahaa Maxkamad sare oo saakay toogasho lagu dilay (Sawirro)

Kooxo hubeesan ayaa saakay toogasho ku dilay labo haween ah oo garsoore ka ahaa maxkamada sare ee dalka Afgaanistaan , waxaana weerarkan uu cabsi badan ku beeray garsoorayaasha maxkamadaha dalkaasi.

Afhayeen u hadlay maxkamadda sare ee dalka Afgaanistan ayaa sheegay in labada haween la toogtay xili ay saarnaayeen gaari kuna sii jeeday shaqadooda, waxaana baxsaday ragii hubeesnaa ee weerarkaasi fuliyay.

Weerarkan haweenkan garsoorayaasha ah lagu dilay ayaa ka dhacay deegaanka Qala- Al- Fathullah oo ka tirsan magaalada Kabul, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyadda weerarkan lagu dilay garsoorayaasha.

Dalka Afgaanistan ayaa mudooyinkii dambe waxaa kusii kordhaya weerarada lagu beegsanayo dadka magaca leh sida Wariyaasha, dadka u ololeeya xaquuqda aadaha iyo sidoo kale shaqaalaha dowlada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -