Muuse Suudi:”Jubbaland waxaa ka dhacday doorasho xalaal ah oo lagu wada qancay”

Senater Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah xubnaha aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay xaflada Caleemo-saarka Axmed Madoobe ee ka dhacday Kismaayo ayaa si kulul u dhaleeceeyey Madaxweyne Farmaajo.

Muuse Suudi ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo haatan uusan jirin heshiis laga raadinayo oo dhexmari lahaa isaga iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.

“Madaxweyne Farmaajo labada lugood mid Puntland ayaa ka goosatay mida kalena Jubbaland, gacanta midigna waxaa uga dhegan Galmudug, waxaa soo haray Calool iyo iyo Af iyo gacan bidix ah oo aan waxba lagu cuni karin,” ayuu yiri Senator Muuse.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan cidna rabin, isla markaana, sidoo kalena uu ka shaqeynayo oo kaliya iska horkeen.

Waxaa kaloo uu xusay in Madaxweyne Farmaajo uu inta badan is qariyo, isla markaana amarada ka soo baxa loo dhiibo wasiirada ku jira xukuumada oo uu sheegay ineysan xor aheyn.

“Waxaan codsanaa in la tashado, dalka Ceel ayuu ku dhacay, amar walba ee soo baxa waxaa soo saara Farmaajo , amarkiisa ayay wax walba ku dhacaan” ayuu yiri Muuse Suudi oo maanta banaanka soo dhigay mucaaradnimadiisa.

Muuse Suudi ayaa dhinaca kale u hambalyeeyey Axmed Madoobe oo maanta lagu caleemo saaray magaalada Kismaayo, wuxuuna xusay in Jubbaland ay ka dhacday doorasho xalaal ah, isagoo dowlada ugu baaqay iney la shaqeyso, kana joojiso hagardaamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -