Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Cudur kale oo ka dilaacay Shiinaha & cabsi laga qabo inuu dunida ku faafo

Khubaro Caafimaad oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa ogaaday in waddankaas uu ka jiro xanuun horleh oo lamid ah feyraska corona, kaas oo noqon karo cudur safmar ah sida feyraska hadda dunida ay la daala dhaceyso.

Xanuunkan ayaa dhowaan lagu arkay xayawaanka doofaarka, waxaana sidoo kale ay seynisyahandu sheegeen inuu ku dhici karo ban’iaadamka.

Cilmi-baarayaasha ayaa ka walaacsan in xanuunka uu si sahlan ku faafi karo, dadkana ay is-qaadsiin karaan, lagana yaabo in dunida oo dhan uu ku faafo.

Inkastoo hadda dhibaato taagan uusan ahayn, haddana khubarada caafimmaad ee ogaaday xanuunkan waxay shegeen in uu leeyahay calaamado badan oo muujinaya in dadka ay qaadi karaan. Waxay intaa ku dareen in loo baahan yahay in si dhaw loola socdo cudurkan.

Waxay shegeen in shaqaalaha shirkadaha ka shaqeeya hagaajinta hilibka doofaarka looga baahan yahay in ay taxadaraan, xaaladooduna aad loola socdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga Doorashada Heer Federaal oo la kulmay Raisul Wasaarihii hore ee dalka

Caydiid Ali

Weriye shaqadeeda ku weysay su’aal ay hor dhigtay Madaxweyne caan ah

Caydiid Ali

Qarax Caawa ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---