Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Faahfaahin: Dad reer galbeed ah oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Sacuudiga

Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay goob lagu xusayay dagaalkii koowaad ee adduunka oo lagu qabtay magaalada Jeddah ee Sucuudiga.

Waxaa soo qabanqaabisay xafladan Safaaradda Faransiiska ee Sucuudiga, waxaana ka qeybgalay diblomaasiyiin reer Yurub ah.

Safaaradaha Faransiiska, Giriigga, Talyaaniga, UK iyo Mareykanka waxay sheegeen in bam lagu soo tuuray qabuuraha ay ku aasan yihiin dadka aan muslimka aheyn ee Jeddah halkaas oo xuska lagu qabanayay.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga waxay xaqiijiyeen in shaqaale ka tirsan qunsuliyadda Giriigga ee Sucuudiga iyo nin Britain u dhashay ay ku dhaawacmeen weerarka.

Maamulka gobolka Maka ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay bilaabeen baaritaan ku saabsan weerarkan oo illaa hadda aysan jirin cid masuuliyadiisa sheegatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Erdogan oo xariga ka jaray Isbitaalka 3aad ee ugu weyn dunida (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Sacuudiga iyo Dalal kale oo Carbeed oo la amray in lasoo gaabiyo khudbada Salaada Jimcaha

Cabdi Cade

Faahfaahino ka soo baxaya kooxo hubeysan oo saddex qof ku dilay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---