Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo saakay Weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Saldhig Ciidan

Dagaalyahanno aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar culus oo ku bilowday qaraxyo gawaari loo adeegsaday ku qaaday saldhig ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka kaga sugnaayeen deegaanka Masagawaay.

Qaraxyada kaddib waxaa deegaanka Masagawaay ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kooxda Al Shabaab, waxaana wali halkaasi lasoo sheegayaa in rasaas ka socoto.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay in dagaalyahannada weerarka qaaday u suurto gashay in ay gudaha u galaan deegaanka Masagaaway, halka warbaahinta Qaranka iyana sheegeen in ciidamada dowladda ay fashiliyeen weerarka Al Shabaab.

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka saakay Al Shaaab ku qaadeen deegaanka Masagaaway, waxaana adag in xog rasmi ah laga helo xaalada deegaanka iyo khasaaraha weerarka ka dhashay.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Israel ee Gaza oo ku goodiyey iney dagaalka ka baxayaan

Caydiid Ali

Qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo goordhaw soo gaaray Muqdisho si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---