Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo hirgelisay adeeg ka dhan ah Al-shabaab

Wasiirka amniga gudaha ee jamuuriyada fadaraalka Soomaaliya S/Guuto C/llaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag) ayaa daah furay adeegga Lambarka gaaban “888” ee ka hortagga maalgalinta Argagixisada.

Munaasabada daahfurka waxaa goob joog ahaa wasiiro, xildhibaano, taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub axmed Firin iyo marti Sharaf kale.

Adeegan waxaa loogu talagalay inay si sahlan ku soo wacaan shacabka Soomaaliyeed ee Al shabaab baad weydiistaan ama hela xog la xiriirta qof ay dhibaato dhaqaale qaadasho ah ku hayaan.

Waxaa uu sidoo kale kaalin weyn ka qaadanayaa joojinta baadda al shabaab ee Sakada oo ah rukni diini ah ugu soo gambanayaan.

Wasiir Fartaag ayaa soo jeediyey in si buuxda looga faa’iideysto adeegan oo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay in arrintaas ay wax badan yareyn doonto baada la siiyo Al shabaab.

Related posts

Jubbaland oo Kismaayo ka tarxiishay askar katirsan NISA iyo Haramcad (Sawirro)

Cabdi Cade

Laftagareen oo la kulay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha (Sawirro)

Cabdi Cade

Wiil aabbihiis oo madaxweyne caan ah ah ku cadeeyay in uu galay musuq maasuq

Cabdi Cade
Taboola Ads ---