Senator baaq u diray beelaha ku dagaalamaya duleedka degmada Cadale

Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo ka tirsan Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaano hoos taga degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe iney xabada joojiyaan khilaafka u dhexeeya ku dhameeyaan wadahadal.

Waxaa uu nasiib daro ku tilmaamay in dhiig dad walaalo ah uu ku daato wax miiska wada hadalka lagu dhameyn karo, isagoo Odayaasha dhaqanka ku dhaliilay iney ka gaabiyeen xalinta dagaalka dhexmaraya beelaha walaalaha ah.

“Waxaan aaminsanahay in dadka dagaalka ku baab’aya ay hal qoys ka wada dhinteen, mas’uuliyada waxaa naga saaran in dadkaasi la badbaadiyo oo laga shaqeeyo sidii arrimahooda wax looga qaban lahaa, kuwa dhintay Alle ha u naxariisto, kuwa dhaawacana Alle ha caafiyo” ayuu yiri Senator Maxamed Amiin.

Dhinacyada dagaalku u dhaxeeyo ayuu ku booriyey iney u dhega nuglaadaan baaqyada isdaba jooga ah ee loo jeedinayo, si xabad joojin buuxda loo gaaro, xalna looga gaaro waxyaabaha dhibaatada keenay.

Hadalka Senatorka ayaa ku soo aaday xili ay degan tahay xaalada degaanadii shalay lagu diriray ee gobolka Sh/Dhexe ayaa maanta degan, waxaana ku baxay xubno ka tirsan Maamulka Hirshabelle oo waan waan ka dhex wada labada beelood ee isqoomay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -