Golaha cusub ee Wasiirada Somalia oo la dhaariyey ka dib ansixintii Baarlamanka

Inta badan xubnaha cusub ee golaha Wasiirada xukuumada Somalia ayaa goor dhow loo dhaariyey xilalka loo magacaabay.

Dhaarta golaha wasiirada ayaa ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ayaa timid ka dib markii xildhibaanada golaha shacabka ay codka kalsoonida siiyeen xukuumada cusub.

Gudoonka golaha shacabka ayaa faray gudoomiyaha Maxkamada sare inuu dhaariyo wasiirada cusub ee Xukuumada.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa maanya cod gacan taag ah ku ogolaatay in codka kalsoonida la siiyo xukuumada cusub, waxaa aqbalay 229 xildhibaan, waxaa diiday 7, halka midna uu ka aamusay.

Wasiirada cusub ayaa maalmaha soo socda xilalka kala wareegi doona wasiiradii xukuumada xilgaarsiinta. iyadoo marka ay xilka la wareegaan looga fadhiyo iney dar dar geliyaan howlaha dowlada hor yaalla.

- Advertisement -