Akhriso :Waxyaabaha laga maarmaanka u ah in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah !!

Xukuumada ay hogaamiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Khayre waxa uga hadhsan muddo xileed kooda 1 sanno iyo 3 bilood. Sida qorshahu ahaa in doorasho hal qof iyo hal cod ah ay dalka ka qabsoonto si looga gudbo nidaamkii hore ee baarlamaanku soo dooran jireen madaxweynaha.

Waa maxay waxa looga baahanyahay Gudiga doorashooyinka Qaranka iyo dawlada dhexe si loo helo doorasho hal qof iyo hal cod ah si xor iyo xalaal ahna ku dhacda.

Voter and Civic education: in komishanka doorashooyinka qaranka ay ka shaqeeyaan guud ahaan dalka oo gaadhsiiyaan wacyi gelinta bulshada ee nidaamka doorashada, habka codaynta, isdiiwaangelinta, qaabka qofku isku diiwaangelinayo, qaadashada, kaadhka codaynta, habka loo codaynayo, meesha la calaamadinayo, xaquuqda uu muwaadinku u leeyahay in uu codeeyo, muhiimada codkiisu u leeyahay dawladnimada iyo dumaaqriyada, waqtiga la codaynayo, goobta uu ka codaynayo muwaadinku, shuruudaha looga baahanyahay codeeyaha, anshaxa doorashada, ilaalinta nabadgelyada iyo fahanka guud ee doorashada.

Cunses: waxa looga baahanyahay wasaarada arimaha gudaha iyo gudiga doorashooyinka qaranka in ay sameeyaan tirakoob rasmi ah ee bulshada, soo aruriyaan xogta bulshada, soo saarista tirada guud ee codeeyayaash dalka, tirada ka codayn karta maamul goboleed kasta, gobolkasta, degmo kasta, iyo tuulo kasta.

Voters registration: komishanka doorashooyinka qaranka waxa horyaala diiwaangelinta codeeyayaasha dalka oo dhan iyaga oo la isticmaalayo hababka casriga ah ee diiwaangelinta codeeyayaasha si loo ilaaliyo hufnaanta doorasha iyo inay noqoto xor iyo xalaal, in codeeyayaasha la waafajiyaa shuruuhada codbixiyaha, in codbixiyaha laga sawiraa in dhaha iyo faraha si aanay u dhicin in codbixiyuhu laba dhowr mar codeeyo, in codbixiyuhu ka codeeyo goobta uu iska diiwaan geliyay maalinta cod bixinta, in codbixiyayaasha loo sameeyo kaadh ay ku codeeyaan maalinta codbixinta.

Election and voting equipments: gudiga doorashooyinka iyo dawlada waxa laga rabaa diyaarinta qalabka doorashada iyo codbixinta sida machines kaadhadhka daabaca, warqadaha codaynta, sanduuqyada codbixinta, qalimaanta codbixinta, gaadiidka qaadaya sanduuqyada codbixinta, diyaarinta goobaha codbixinta, qalabka hubinta codbixiyaha, Khadka farta loo marinayo codbixiyaha.

Election workers: waxa horyaala gudiga doorashooyinka qaranka iyo wasaarada arimaha gudaha in ay diyaariyaan shaqaalaha ka shaqaynaya doorasha noocayadooda kala duwan, kala xulista shaqaalaha iyada oo la eegayo aqoontooda, khibradooda iyo daacadnimadooda, ku kala qorista shaqaalaha goobaha doorashada si nidaam iyo cadaalad ah, tababarida shaqaalaha doorashada, dhaarinta shaqaalaha doorashada, siinta mushaharka iyo gunada shaqaalada doorashada, xulista shaqaalaha doorashada iyada oo si siman looga soo xulay maamul goboleedyada, gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka, la xisaabtanka iyo daba galka shaqaalaha doorashada.

Election budget and funds: waa in dawlada dhexe diyaarisaa dhaqaalaha ku baxaya doorashada, inta dhaqaale ku baxaysa doorashada, sida dhaqaalaha doorashadu u kala baxayo, meelaha uu ku baxayo, meelaha dhaqaalahu ka imanayo, habka iyo nidaamka loo maamulayo dhaqaalaha, in aan la musuq-maasuqin dhaqaalaha doorashada loona adeegsado dano shaqsiyadeed.

Political Parties: gudiga doorashooyinka waxa hortaala kala reebista xisbiyada siyaasadeed ee dalka iyo iyaga oo la raacayo nidaamka gudiga doorashooyinka iyo sharciga xisbiyada siyaasada ee u degsan gudiga, soo saarista xisbiyo tayo iyo miisaan leh kana madax banaan qabyaalad, qabiilaysi, gobolaysi iyo wax lidi ku ah dadka iyo dalka somaliya kuwaasi oo buuxiyay kana gudbay dhamaan shuruudaha kala reebista asxaabta siyaasadeed ee dalka.

Security: in wasaarada amnigu sugtaa amniga goobaha codbixinta dalka oo dhan, in dawladu sugtaa amniga musharaxiinta, in dawladu sugtaa amniga shaqaalaha doorashada, in dawladu sugtaa amniga codbixiyaha, in lagga xoreeyo al-shabaab deegaanada wali gacantooda ku jira, in gudiga doorashooyinku sugo amniga iyo bedqabka xogta codbixiyayaasha.

Regional States and central goverment cooperation: Madaxda dawlada federalka ah iyo maamul goboleedyada ay xaliyaan khilaafka mudada soo jiray, isfahana ka gaadhaan habka doorashadu u dhacayso, goobaha ay ka dhacayso, cida maamulaysa iyo sida loo maamulayo, habraaca doorashada, shaqaalaha doorashooda, waqtiga doorashada, shuruudaha doorashada iyo in doorasho xor ah ayka dhacdo maamul goboleedyada kana qayb qaataan nidaamka doorashada iyo codbixinta deegaankoodu.

Dal mid ah iyo Dad Mid ah Doorasho xor iyo xalaal ah Ayaan ku gaadhi karnaa Dimuqraadiyad, horumar, Amni, Nidaam, Kala danbayn, Barwaaqo iyo badhaadhe.

W/Q Ahmed Bashir BDS, MSW

Email: ahmedbashiir66@gmail.com

Kampala, uganda

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -