Qaban-qaabo lagu soo dhoweynayo wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo saaka ka socota Guriceel

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu horkacayey oo maalmahan ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta ku sii jeeda degmada Guriceel ee isla gobolka Galgaduud.

Madaxda Galmudug, Xildhibaano, odayaal dhaqameedyo, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale ayaa ayaa safarka madaxweynaha sidoo kale ku wehliya safarkiisa.

Amaanka magaalada Guriceel ayaa si weyn loo xoojiyey, waxaana halkaas ku sugan ciidamada AMISOM ka iyo kuwo Soomaali ah, iyadoo madaxweynaha uu kulamo la qaadan doono qeybaha bulshada degmadaas.

Farmaajo iyo wufuud kale oo ka socota dowlad goboleedyada dalka ka jira ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galay shalay xaflad lagu dhameystirayo heshiiska ahlu suna iyo Galmudug ku kala saxiixdeen dalka Jabuuti kaasoo labada maamul ay ku midoobeen.

Wixii warar ah ee ka soo kordha booqashada Madaxweynaha iyo wufuuda kale ee ku sii jeeda Guriceel kala soco wararkeena dambe insha ALLAAH.  

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -