Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday Deegaan dhawaan lagala wareegay

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday fariisimo ciidanka Milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab ku leeyihiin deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in ay maqlayeen dhawaqa hubka culus ay is dhaafsanayeen labada ciidan, waxaana dagaalka la sheegay in daqiiqado kooban ka socday deegaanka Bariiri.

Saraakiil katirsan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa xaqiijiyay weerarka xalay lagu soo qaaday, waxa ayna saraakiisha sheegeen in ay iska difaaceen weerarka Al Shabaab kaga yimid.

Wali lama oga khasaaraha dagaalkan kasoo gaaray labada dhinac ee dagaalamay, waxaan sidoo kale aan la ogeyn khasaaraha dagaalkan culus xalay kasoo gaaray dadka shacabka ah ee degan deegaanka Bariire.

Ciidamada Danab ayaa dhawaan Al Shabaab kala wareegay deegaanka Bariire, waana weerarkii labaad ee Al Shabaab kusoo qaadaan deegaankaan tan iyo markii lagala wareegaty gacan ku heynta deegaankaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -