Allbanaadir.com
NEWS

Abiy Ahmed: “Waxaa murugo igu heysa Itoobiya bad la’aan ah”

Abiye Ahmed Raysal Wasaaraha Ethiopia ayaa sheegay waxa ugu wayn ee uu ka murugoodaa ay tahay inaan dalkiisu lahayn Deked.

“Waxaa caloolyaw iyo murugo igu haysa in Itoobiya ay in ka badan 30 sanno bad la’aan tahay.” ayuu yiri

Bad la’aanta Ethiopia haysa ayuu ku sheegay inay tahay khayaamo lagu sameeyey dalkiisa. Waxa uu Abiye sheegay inaan dalkiisa nabad laga filan karin haddii uu bad la’aan sii ahaado

“Badda la’aanta Itoobiya waa nabar qaran oo aan bogsan, waa murugo taariikheed oo laga dhaxlay caddaalad-darrooyin waqti fog oo dhulka la jaray qarankii lahaa xeebihiisa iyo xiriirkiisa dunida. Ma ahan wax lagu qoslo, ee waa masiibo ka dhalatay khiyaanooyin juqraafiyeed oo ummad xor ah looga gooyay marinadii badda. Itoobiya dookh kale maleh, waxayse ku khasban tahay in ay raadiso bad si ay uga gudubto gardarradaas iyadoo ilaalinaysa karaamadeeda iyo sharafta ummaddan facweyn” ayuu yiri Abiy Ahmed oo ka hadlayey wareysi dheer oo uu kaga hadlayey waxqabadkiisii mudadii uu xafiiska joogay.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo madaxweyne Cirro qorshaynayo in uu socdaal ku tago Itoobiya si uu wada hadal ula yeesho Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Heshiis la isku dhaafsan rabay dhul badeed iyo aqoonsi oo Itoobiya la gashay Somaliland ayaa shaqeyn waayey markii ay ka hor timid dowlada Somalia.

Related posts

Xunbo ka tirsan Sirdoonka Israel oo lagu xiray Turkiga

Caydiid Ali

Golaha Amaanka ee QM oo kulan deg deg ah ka yeelanaya Siyaasada cakiran ee Somalia

Caydiid Ali

Guddoonka Labada Aqal oo u Mahadceliyay Guddigii doorashada Madaxweynaha (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---