Kulankii Xildhibaanada golaha shacabka oo hal Sabab darteed u baaqday

Waxaa maanta baaqday kulankii ay ku ballansanaayeen in ay isugu yimaadaan xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka, kulankan ayaa ajandihiisu ahaa akhrinta xeer hoosaadka Golaha shacabka.

Xarunta Villa Hargeysa oo lagu waday in uu ka qabsoomo kulanka xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxaa gaaray xildhibaano tiro yar, waxaana buuxsami waayay kooramkii loogu tala galay in kulanka ku furmo.

Guddoonka golaha shacabka ayaa markii dambe shaaciyay in kulanka uu baaqday , waxa ayna sababta u baaqday ku sheegeen in ay soo xaadiri waayeen xildhibaanada golaha shacabka ee kulanka lagu wargaliyay.

Magaalada Muqdisho waxaa ka maqan xildhibaano tiro badan oo katirsan golaha shacabka, kuwaa oo dalka isaga baxay markii ay soo dhammaatay doorashada Madaxweynaha, waxaa sidoo kale jira xildhibaano Muqdisho jooga oon hadana saakay xaadirin kulanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -