Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gudoomiye Mursal & wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhoweeyey Baydhabo (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu horkacayo oo isugu jira Xildhibaanada labada Aqal iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo.

Mursal ayaa ka qeyb galaya Sanad guurada 1-aad Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Maxamed Xassan Laftagareen.

Wufuud kala duwan ayaa gaaray magaalada Baydhabo saacadihii lasoo dhaafay kuwaasoo doonaya inay ka qeyb galaan sanadguuradii 1-aad ee xil-heynta Madaxweyne Laftagareen.

Waxaa ka mid ah wafuuda halkaasi ka tagay guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muudey iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Madaxweynaha Somaliland oo Dhabmaal u diray dowlada iyo Shacabka Mareykanka

Cabdi Cade

Cabsi lasoo daristay Dadka la Macaamila Al Shabaab ee ku sugan Muqdisho iyo NISA oo…

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho & Masuuliyiin kale oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay xarunta dowladda hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---