Wasiiro & Xildhibaano ka hadlay dagaaladii B/Weyne iyo Wararkii ugu dambeeyey

Iyadoo dagaalo u dhexeeya ciidamo kala taabacsan Madaxweyne Waare iyo Ex-Gudoomiye Dabageed ay maanta ka dhaceen Magaalada B/weyne ayaa waxaa arintaas ka hadlay Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan federaalka oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Dagaalada maanta ka dhacay degaanka Kala-beyr ayaa waxaa ku dhintay askar ka tirsan labada dhinac oo uu ku jiray taliyihii ciidamada Booliska gobolka Hiiraan, waxayna daba socdeen xiisado maalmahanba ka taagnaa halkaas ka dib markii Madaxweynaha Hirshabelle uu xilka ka qaaday gudoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo ka soo horjeestay xil ka qaadista.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlada Somalia C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatada ka taagan magaalada B/weyne, isagoo baaq u diray dhinacyada halkaas isku haya.

“Waxaan aad uga xumahay una cambaareynayaa dhibaatadii maanta ka dhacday agagaarka Kalabayrka ee Degmada Belet Wayne, oo ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac, Waxaan halkaan uga tacsiyadeynayaa qoysaska, ehelada iyo asxaabta sarkaalka ku dhintay iyo inta ku dhaawacantay. Samir iyo iimaan Alla hanaga wada siiyo, isagana jannada alle haka waraabsho, Waxaan ugu baaqayaa dhammaan reer Hiiraan in laga wada shaqeeyo danta guud iyadoo la ilaalinayo wadajirka nabadda iyo xasiloonida gobolka” ayuu wasiirka oo qoraalkan soo dhigay bartiisa facebook.

Dhinaca kale, Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in tahay wax laga xumaado xiisadda ka taagan Magaalada Beledweyne.

Xildhibaan Jeesow ayaa ugu baaqay Madaxda maamulka Hirshabelle iyo Gudoomiyihii xilka laga qaaday Hiiraan Yuusuf Dabageed inay Xaaladda dejiyaan, isla markaana aysan dhibaateyn dadka Shacabka.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in Yuusuf Dabageed laga doonayo inuu xilka wareejiyo si aysan dhibaato uga dhalan, maadaama uu shalay xilka kala wareegay Muwaadin isaga la mid ah oo Hiiraan kasoo jeeda.

Xaalada magaalada Belad-weyne ayaa degan caawa inkastoo xiisad weyn ay ka jirto, waxaana soconaya kulamo kala duwan oo ay wadaan wax-garad iyo odayaal dhaqameed doonaya in xaalada la qaboojiyo, waxaana beri magaaladas ku sii jeeda wafdi ka socda dowlada federaalka oo ka qeyb qaadanaya deminta xiisada halkaas ka taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -