Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo Jarmalka oo kawada hadlay xadgudubka Itoobiya iyo howlgalka…

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika Amb. Heiko Nitzschke.

Wasiirka iyo Ergayga ayaa kulankooda diiradda ku saaray howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta, wareejinta Howlgalkii ATMIS, u guuridda howlgalka cusub ee AUSSOM iyo xaqiijinta amniga guud ee Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga hadlay walaaca gobolka ee la xiriira ku xad-gudubka Itoobiya ee madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya iyo xoojinta mowqifka Soomaaliya ee ilaalinta madax-bannaanida qaranka.

Dowladda Jarmalka ayaana Soomaaliya u muujisay taageero iyo garab istaag, waxa uuna ergayga Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika Amb. Heiko Nitzschke ku ammaanay dowladad Soomaaliya hormaro ay dhinacyo badan ay ku jirto la dagaallanka Al Shabaab ka gaartay dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Michael Nithavrianakis iyo wafdi la socday oo gaaray Baydhabo lana kulmay Laftagareen (Sawirro)

Cabdi Cade

War Murtiyeed laga soo saaray Kulan dhax maray Madaxda Somalia iyo Burundi (Sawirro)

Cabdi Cade

Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay munaasabadda dhaqan-gelinta heshiiska nabadeed ee Suudaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---