Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Britain oo xabsiga dhigtay saddex qof oo lagu eedeynayo Basaasnimo

Booliska Britain ayaa xabsiga u taxaabay oo dacwadna ku soo oogay saddex nin oo u dhashay dalka Bulgaria oo looga shakisan yahay inay u basaasayeen Ruushka.

Labo nin iyo qof oo dumar ah oo la xiray bishii February, ayaa lagu hayaa xabsiga tan iyo xilligaas.

Waxaa lagu soo oogay dacwad ah inay haystaan​​dukumenti aqoonsi ay ulajeeddo aan habboonayn ka lahaayeen.

Dukumeentiyadan oo isugu jira baasabooro iyo warqado aqoonsi ayaa la sheegay in loogu talagalay in lagu tago wadamo badan oo Yurub ku yaallo.

Saddexdan qof ayaa ku noolaa Ingiriiska muddo sannado ah, iyagoo ka shaqaynayay shaqooyin kala duwan, waxaanay ku noolaayeen guryo dhawr ah oo ku yaalla duleedka magaalada.

Waxa lagu wadaa in la maxkamadeeyo Janaayo. Wali racfaan kamay qaadan dacwadaha lagu soo oogay ee basaasnimada ah.

XIGASHO: BBC

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo shaaciyey liiska Musharaxiinta aqalka sare ku metelaya Galmudug (Magacyada)

admin

Waa Maxay Ujeeddada Faransiisku uu Ka Leeyahay Kenya ?(Wax badan ka Ogow)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirkii Golaha Wadatashiga ee xalay dhacay iyo qodobadii…

Cabdi Cade