Wasiir si adag uga hor yimid Go’aankii Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug sidoo kale ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag uga horyimid go’aankii Gudoomiyaha golaha shacabka xalay kasoo baxay.

Axmed Fiqi ayaa ku tilmaamay go’aanka Gudoomiye Mursal 15-Xildhibaan uga mamnuucay fadhiyada baarlamaanka uu yahay toogasho loo geestay  hey’addii ugu danbaysay Barlamaanka ee golaha shacabka sidoo kale la afduubtay masiirkii dalka.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu arintan uga hadlay Wasiir Fiqi

Tani waa toogasho ula kac oo loo geystay hey’addii ugu danbaysay Barlamaanka ee golaha shacabka, waa damin Iftiinkii dimuqraadiyadda, waa afduubka masiirkii dalka iyo god dheer ku rididda rajadii dawladnimadii dhismaysay Labaatankii sano ee u danbaysay.
 
Ajande Covid-19 sanad iyo saddex biloood oo uu dalka ka jirey ka dib xilli dalku siyaasad ahaan uusan degenayn lagu soo aadiyey, ajandahaas qaloocan oo ciidamo boqol kor u dhaafay ay difaacayaan ma soo marin Barlamaanka Soomaaliya taariikhdii uu jiray, markii Xildhibaanadu ay ka hadleena isla askartii loo dhiibo liiskooda in ay u diidaan gudashada waajibkooda waa handhaqan ugub ah oo ka marqaati kacaya wadada qaloocan ee dalka loo weeciyey.
 
Waxaan dhowraynaa Covid-19ka ciidamadu ay galbinayaan halku uu saldhigto iyo natiijada uu dhalo!.! Waxaase aan la qaadan karin marnaba tallaabadan guddoomiyaha golaha shacabku uu ku bartilmaameedsanayo qaar ka mid ah Xildhibaanadii Villa Soomaaliya ka aragtida duwanaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -