Puntland oo war ka soo saartay sababtii Guddoomiye Sacdiya loogu diiday Garowe

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka hadlay sababta ay Puntalnd u celisay diyaarad ay la socdeen Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Soomaaliya, Sacdiya Yaasiin Samatar iyo wefdi ay hoggaamineysay.

Diyaarad lagu waday inay Muqdisho ka qaaddo Sacdiyo ayaa lagu amray inaysan soo qaadi karin guddoomiye ku xigeenka iyo wefdi la socday oo isugu jiray Wasiiro, xildhibaano, iyo madax dhaqameedyo ka soo jeeda Puntland

Sacdiya iyo xubnaha la socday ayuu qorshohoodu ahaa inay ka qeyb galan caleema saarka Suldaan Bashiir Suldaan Carab, oo ah suldaanka beesheeda, kaasoo lagu xafladdiisa caleema saarka ay ka dhaceysay magaalada Garowe.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in maamulkiisu ku saxnaa talaabada lagu celiyey Sacdiya

”Horta Sacdiya Salaad waa madax, madaxdana nidam ayay ku socdaan ee iskama socdaan. Waa in la ogyahay meesha ay tagayaan, waxa ay u tagayaan aminigooda in la sugo inay diyaarad iska raacdo sidii qof suuq joog ah, arrin iyada u haboon ma aha, dowlada ay ka shaqeyso u haboon maha, Puntlandna ku haboon ma aha. Ammaankeed in laga taxadaro oo Protakoolkeeda la sii hagaajiyo weeye, iyadu kay ku imaaneysay u hagaagsanyahay baa horta ka horeysa waxaas.” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidookale yiri ”Qof diyaarad iska soo racaya oo madax ah, hadaw sumcad xumada uu keeni karo wixii ka dhasha.Horay waad u ogeydeen wixii ka dhacay Bosaaso, iyadoo aanay dowladau wada shaqeyn kala dhaxeyn waxay sameyneyso inay sababeen in 20 dhalinyaro ah oo reer Puntland ah inay dhintaan. Nidaamka ay ku timid tii oo kale inay dhacdo ama ka sii foolxun inay dhacdo ayaan diidaneyn, qof madax ah oo adduunka iska socda majiro” ayuu intaas ku daray.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in talaabada la qaaday ay aheyd mid Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar maslaxadeeda amni ku jirtay, sababtaana ay u celiyeen Diyaaradda.

Hase ahaatee Guddoomiye ku xigeenka  koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Sacdiyo Yaasiin Samatar, ayaa ku eedeysay madaxweyne Deni inuu ka dambeeyey falkaas looga celiyay inay ka dagto Garowe.

- Advertisement -