(Sawirro) Muxuu Adam Abdelmoula ku soo arkay Suuqii gubtay ee Hargeysa?

Ku-xigeenka Wakiilka Xoghaya Qaramada Midoobay, ahna Isuduwaha Qaramada Midoobay iyo Xidhiidhiyaha Arrimaha Bani’aadanimo Adam Abdelmoula ayaan maanta Hargeysa booqday si uu dareenka ula qaybsado dadweynaha kadib dabkii burburiyey suuqa Waaheen, iyo si uu ula kulmo xukuumadda Somaliland, ku-xigeenka maayarka Hargeysa iyo Guddida Qaranka ee Gargaarka Waaheen.

Qaramada Midoobay waxa ka go’an in ay taageerto dib-u-dhiska muddada dhaw, muddada dhexe iyo muddada fog.

“Markii aan maanta arkay burburka uu sababay dabkii ka kacay suuqa Waaheen waxay igu noqotay xaalad adag oo niyadjab leh. Heerka burburka uu gaadhay iyo saamaynta uu ku yeeshay dadka iyo dhaqaalaha, si dadban iyo si toos ahba, maaha wax la malayn karo. Si ba’an ayuu magaalada u saameeyey” ayuu yidhi Adam.

Adam wuxuu sheegay in dib-u-dhiska suuqa Waaheen ee Hargeysa aad muhiim u yahay, sidoo kalena ay muhiimad weyn leeyihiin qorsheyaasha ka-soo-kabashada si wax looga qabto baahiyaha dadka ugu nugul ee dabku saameeyey, kuwaasoo ay ka mid yihiin kuwii shaqaysan jiray masaariifta maalinlaha ah, qoysaskii haweenku masuulka ka ahaayeen, dadka barakacayaasha ah, dadka laxaadkoodu dhiman yahay iyo qaxootiga.

- Advertisement -