Isbitaalka Indhaha Al-Nuur (Al-Nur eye Hospital) oo kuu haya Wargelin Muhiim ah

Maamulka Isbitaalka Indhaha Al-Nuur (Al-Nur Eye Hospital) waxaa uu bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka ogeysiinayaa in si habsami leh ay u socdaan howlaha daweynta iyo qaliinka indhaha ee looga bartay Isbitaalka.

Isbitaalka Indhaha Al-Nuur ayaa ka kooban qeybaha bukaan socodka, Qaliinka, qeybta baarista loo adeegsado qalabka kombiyuutarada, qeybta daawada, iyo qeybo kale oo muhiim ah sida Farmashiye laga heli karo dawooyin talo leh & Ookiyaalaha arraga oo noocyo kala gedisan leh iwm.

Qeybta Qaliinka ee isbitaalka waxaa lagu soo kordhiyey dhowaan mashiin casri ah  oo ah kii ugu dambeeyey ee caalamka laga soo saaro (Phaco Laser Oparetion) kaasoo aan qofka ishiisa la jeexeynin laakiin burburinaya xuubka taasoo keeneysa in qofka uusan u baahan toliin, baliilna loo gelinayo

Waxaa Isbitaalka ka howlgala Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ah dhaqtar Soomaaliyeed oo ku taqasusay cudurada arraga (Consultant, Ophthalmoligist).

Dr. Dalmar ayaa shahaadada dhaqtarnimada ka qaatay Jaamacaddii hore ee Ummadda, isagoo helay darajada ugu sareysa oo u suuragelisay in isla kuliyadda ay u qaadato Barre kaaliye muddo lix sanadood ah xiliga burburka ka hor, wuxuuna sidoo kale tababaro badan ku qaatay kuliyadda Caafimaadka kana soo shaqeeyey qeybta indhaha ee isbitaalada Difgeer iyo Afgooye.

Sidoo kale Dr. Dalmar ayaa dagaaladii sokeeye ka dib u wareegay dalka Britain isagoo shahaadada taqasuska ee Masterka ee daweynta iyo qaliinka indhaha ka qaatay Bristol University, sidoo kale waxaa uu ka qaatay Jaamacadda London shahaadada heerka labaad ee Caafimaadka bulshada (Master of Puplic health), wuxuuna shahaadada Phd ee daweynta indhaha iyo maskaxda ku diyaariyey University Collegge London, isbitaalo iyo Jaamacado ku yaalla isla magaalada London ayuuna muddo ka howlgalay.

Dalal kale oo ku yaalla Afrika iyo Aasiya ayuu ka soo shaqeeyey Dr. C/risaaq Axmed Dalmar, kuwaasoo ay ka mid yihiin Gambia, Ghana, Ethiopia, Tanzania iyo India, isagoo dhinaca kale Koorsooyin waxbarasho ku soo qaatay dalalka Faransiiska, Maraykanka iyo Jarmalka, dalka ayuuna ku soo laabtay sanadkii 2001 oo illaa hadda uu ka shaqeeyo.

Waxaa sidoo kale isbitaalka Indhaha Al-Nuur diyaar kugu ah shaqaale Caafimaad oo aqoontoodu sareyso, kuwaasoo gacmo furan kugu soo dhoweynaya gacmo furan iyo adeegyo Caafimaad oo tayadoodu aad u sareyo.

Xarunta isbitaalka Al-Nuur ayaa waxay ku taallaa agagaarka xarunta Jaamacada Benaadir ama wadada iska ku xirta isgoysyada Zoope iyo Benaadir laami yare ka leexda ka soo horjeedka Xarunta Wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia.

Kala xiriir Tel: 0615055555/ 0615338804/ 0615880588 Muqdisho Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -