Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir katirsan Xukuumada Rooble oo loo doortay Senator katirsan Aqalka Sare

Waxaa teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho si xamaasad leh uga socota doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku matalaya gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Ergo laga soo kala xulay gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaana dooranaya 11-ka Senator ee Aqalka Sare ku matalaya Gobolada Waqooyi, waxaana goordhaw la doortay Labo Senator halka afar kalana doorashadeeda ay socdaan.

Wasiirka Dastuurka Xukuumada Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa goordhaw loo doortay Senator katirsan Aqalka Sare kadib markii uu ka guuleestay musharaxii la tartamayay oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Maxkamada sare Ibrahim Iidle Suleymaan.

Musharax Saalax Axmed Jaamac ayaa helay 29-cod halka musharax Iibraahim Iidle Suleymaan isna helay 12-cod, waxaana sidaasi Aqalka Sare uga mid noqday Wasiirka Dastuurka Xukuumada Soomaaliya.

Gudoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaana goordhaw isna qaab gacan taag ah loogu doortay Senator katirsan Aqalka Sare kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/dzm1-kN9Jxw

Related posts

Jubbaland oo go’aan ka qaadatay sharciyo ay ansixiyeen labada gole ee Baarlamanka

Caydiid Ali

Arday wax ka dhigata Jaamacadda Muqdisho oo Turkiga aaday lana sagootiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka oo dalkiisa ka mamnuucay qalabka ay soo saaraan Shirkado ay ku jirto Huawei

Cabdi Cade
Taboola Ads ---