Dayuurad hawada ku jirtay oo deg deg loo dejiyey Sabab yaab leh awgeed (Sawirro)

Dayuurad ay lahayd shirkadda dayuuradaha ee United Airlines oo isaga goosheysay magaalooyinka Washington DC iyo San Fransisco ayaa si degdeg Colarado u caga dhigatay kaddib, marki mid ka mid ah rakaabki oo suuliga xaaja u galay uu albaabka suuligi ku xirmay.

Diyaaradda oo duullimaadkeedi caadiga ku guda jirta oo hawada mareyso ayaa lagu amray dagitaan aan horay u qorsheysneen oo degdeg ah iney ugu degto garoonka caalamiga ah ee Denver.

“Albaabka Suuliga uu qofka rakaabka ah ku jiray ayaa furmi waayey, xilli ay diyaaradda hawada ku jirtay” ayuu yiri Afhayeenka shirkadda United Airlines oo.

Rakaabka uu suuliga ku xirmay oo ah haweeney ayaa suuliga laga soo saaray markii ay diyaaradda garoonka Denver soo caga dhigatay kaddib.

Muuqaalka laga duubay farsama yaqaan la xarbinayo inuu albaabka furo ayaa bogga Twitterka ay rakaabka ku leeyihiin lagula wadaagay, iyadoo dayuuradan ay duulimaadkeeda sii wadatay labo saacadood ka dib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -