Wariye katirsanaa BBC-da oo shaqadiisa ku waayay Sawir Edeb daro ah uu baahiyay

Mid kamid ah Wariyaasha ugu caansan BBC-da ayaa shaqada laga eryay kadib markii hadalo edeb daro lagu tilmaamay uu ka qoray cunuga yar ee dhawaan dhaleen Amiir Harry iyo Mehgan.

Danny Baker oo kamid ahaa Wariyaasha caanka ah ee katirsan BBC-da ayaa barta  Twitterka soo dhigay sawirka lamaane gacanta ka haya daanyeer loo labisay,waxa uuna raaciyay Sawirka qoraalkan ” Cunuga Boqortooyada oo Isbitaalka kasoo baxay”

Qoraalka uu barta Twitterka soo dhigay Wariyahan caanka ah ayaa si weyn u faafay , waxa uuna dhaliyay caro baraha bulshada dhaxdeeda, iyadoona dadku siyaabo kala duwan uga hadleen arintan.

Maamulka BBC-da ayaa si deg deg ah shaqada uga eryay wariyahan ka careesiiyay qoyska reer Boqor, waxaana qoraal kasoo baxay BBC-da lagu sheegay in Wariye Danny Baker uusan kasii mid ahaaneyn shaqaalahoda.

Afhayeen u hadlay BBC-da ayaa sheegay in  qoraalka Wariyaha soo dhigay Twitterka uu ahaa khalad weyn oo halis ah, waxa uuna sheegay in shuruucda BBC-da kasoo horjeedo sawirka iyo qoraalka uu Twitterka soo dhigay wariyahan.

Wariyahan 61-sano jirka ah ayaa mar dambe raali galin ka bixiyay sawirka iyo qoraalka uu ku baahiyay Twitterka, waxa uuna sheegay in uusan fileyn in fal celintaan ay ka imana doonto khaladka uu sameeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -